Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo Tababar Cilmiga Hagista Diyaaradaha u Furey Shaqaalaha Duulista Rayidka

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo Tababar Cilmiga Hagista Diyaaradaha u Furey Shaqaalaha Duulista Rayidka

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Tanzania iyo Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), Mudane Ilyas Cali Xasan, oo ay wehlinaayaan Agaasimaha Hay’adda Duulista Rayidka dalka Tanzania (TCAA) Mudane Salim Msange, iyo xubno kale oo ka socda Hay’adda ayaa tababar la xiriira Cilmiga Hagista Diyaaradaha (ATC) u furey ku dhowaad 25 xubnood oo Soomaali ah kuwaasoo ka tirsan shaqaalaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Danjire Ilyas, oo munaasabadda ka hadley ayaa u mahadceliyey dowladda Tanzania oo martigalisey tababarkan iyo dhinacyada kale ee kaalinta ka qaatey inuu suurtagalo tababarkan.

Ugu danbeyn Safiirka ayaa ka qeybgalayaasha kula dar daarmey iney muujiyaan adkeysi iyo masuuuliyad kana faaideystaan tababarkaan oo muhiimad weyn uleh dalkeena gaar ahaan Hay’adda Duulista Soomaaliya.