Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Netanyahu oo dacwad ka dhan ah kooxda Xamaas u gudbiyay Donald Trump

Netanyahu oo dacwad ka dhan ah kooxda Xamaas u gudbiyay Donald Trump

Warbaahinta Axios, ayaa ku warrantay in Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu u sheegay Madaxweyne Donald Trump , inay Xamaas been sheegtay, isla markaana aysan weli soo celin maydadka la hayay ee maxaabiista.

Netanyahu wuxuu ugu baaqay Mareykanka iyo dammaanad-qaadayaasha heshiiska Qasa inay cadaadis saaraan Xamaas. Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu si buuxda uga warqabo arrintaas, isla markaana uu ka shaqeynayo xalinteeda.

Sida uu sheegay mas’uul Israa’iili ah, Xamaas waxay haysaa inta u dhaxaysa 7 ilaa 10 mayd oo ay awood u lahayd inay isla markiiba soo celiso, balse ay diiday, taasoo uu sheegay inay keeni karto qalalaase. Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan bariga dhexe, Witkoff, ayaa Axadda u safraya bariga dhexe.

Israa|l waxay u adeegsanaysa maqnaashaha meydadka cududaar ay dib ugu laaban karto dagaalka, xilli Xamaas ay sheegtay inay u baahantahay waqti maaddama aysan heysan qalab awood u leh inuu burburka hoostooda ka soo saaro meydadka.

Maamulka Israa’iil waxay diiday koox Turki ah oo gacan ka geysan lahayd soo saarista meydadka inay galaan Qasa, iyadoo xujo uga dhigaysa Xamaas inay shaqadaa qabato, haddii kalena ay dib u billaabayso dagaalka.