Hormuud Salaam oo shaqaaleysiisay qaar kamid ah 1000 ruux oo la baray xirfadaha gacanta iyo ganacsiga
Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabad ballaaran oo ay ku qalinjabiyeen ku dhawaad 1,000 ruux oo dhameystay tababarka Barnaamijka Dhaqaalaha loo dhanyahay ee Baxnaano, barnaamijkan oo ay si wadajir ah isaga kaashanadeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Hormuud Salaam Foundation, iyo Dugsiga Farsamada Gacanta ee Buruuj maalgelintana uu bixiyay Bangiga Adduunka.
Dhalinyarada qalinjabiyay ayaa ka koobnaa 600 dumar iyo 400 rag, kuwaas oo lagu tababaray xirfado kala duwan oo la xiriira farsamada gacanta iyo ganacsiga.
Waxaa lagu guuleystay in 100 ka mid ah dhalinyarada ay si rasmi ah u shaqaaleysiiso Hormuud Salaam Foundation, halka inta kale lagu maalgeliyay xirfadahooda si ay ugu bilowdaan ganacsi iyo shaqo u gaar ah.
Munaasabadda qalinjabinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano, aqoonyahanno, maamulka gobolka Banaadir, ururrada bulshada rayidka, iyo marti sharaf kale.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Yuusuf Xasan Isaaq oo sharraxay ujeedka barnaamijka ayaa sheegay inuu gacan ballaaran ka ka geysan doono shaqo’aanta dhallinyarrada ee ka jirta dalka.
“Hadafkeenu waa in la yareeyo shaqo la’aanta ka jirta dalka, Dhalliyarrada wixii ka soo hara 100 ay Hormuud shaqaaleysay inta kale waxaa fursad siineysa Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, runtii waa dadaaleen” ayuu yiri Yuusuf Xasan.
Maareeyaha Barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullaahi ayaa sheegtay in barnaamijku uu bilowday sannadkii 2019, islamarkaana uu soo maray heerar kala duwan, isagoo ay ka faa’iideysteen kumannaan qof oo Soomaaliyeed.
“Barnaamijkaan wuxuu ujeedkiisa yahay in dhallinyarada helaan shaqo abuur si sare loogu qaado nolosha bulshada Soomaaliyeed” ayay tiri Fardowsa.
Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cilmi Cabdi Atam oo ka socday maamulka Buruuj ayaa dhankiisa ka hadlay Munaasabadda isaga oo ku nuux nuuxsaday muhiimada in dhalinyarada ay bartaan xirfado kaladuwan.
“Dhisme ayaan ka shaqeynaa wadanka waxaa ka jira baahi wayn oo shaqaalaha gacanta, marna xirfadaasi lagama maarmayo” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cilmi.
Senator Dufle, Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka, iyo Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir ayaa boggaadiyay Dowladda iyo Shirkadaha isku howlay shaqo abuurka dhalinyarrada.
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa dhalinyarada ugu baaqay in ay ka fogaadaan fadhiidka iyo shaxaadka, ayna bartaan xirfado kala duwan si ay u horumariyaan noloshooda iyo mustaqbalkooda.
“Runtii waxaa loo baahan yahay in la dhiirgaliyo shaqo abuurka lagana fogaado waxkasta oo qofka ku riixi karo shaxaad in dhalinyarada shaqeysan weydo” ayuu yiri Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Yuusuf Maxamed Aadan, oo munaasabadda soo xiray ayaa sheegay in sanadka soo socda la qorsheynayo in la shaqaaleeyo 40,000 dhalinyaro Soomaaliyeed.
“Waxaan go’aansannay in aan yarayno hadalka, sanadka soo socda waxaa inoo qorsheysan in aan shaqo abuur u sameyno 40 kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah.” ayuu yiri Wasiirka Shaqada Xukumadda Federaalka Soomaaliya.