Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Xiisad Ka Dhashay Maxkamadda Galgaduud Kadib Markii Loo Baahday In Dhibbanayaasha La Dhaarto

Xiisad Ka Dhashay Maxkamadda Galgaduud Kadib Markii Loo Baahday In Dhibbanayaasha La Dhaarto

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa kusoo waramaya in Xiisad Culus ay ka taagantahay laguna kala tegay gudaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud ay ka socotay gebagebadii dacwadda kiis ay eedeysanayaal ka ahaayeen saddex nin oo loo heystay inay dhawaan dileen hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay.

Maxkamadda oo horay ugu fariisatay kiiskan laba jeer ayaa maanta oo la sugayay xukunka, garsoorayaashii fadhiga maxkamadda wadaageen in maadaama xeer-ilaalintu keeni weyday caddaymo ku filan oo lagu xukumo eedeysanayaasha, loo baahan yahay inay dhaartaan dhibbanayaasha kadibna eedeysanayaasha lagu xukumo magta marxuumiinta.

Hase yeeshee, ehellada ayaa diiday arrintaas iyagoo cadaalad-darro ku tilmaamay, waxaana goobta ka bilowday buuq sababay in hub la isula baxo. Ugu dambeyn, fadhigii maxkamadda ayaa la soo xiray iyadoo lagu kala tegey.