Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Biniin oo sheegtay in Baasaboorkeeda ay u rarayso hannaanka dhijitaalka

Biniin oo sheegtay in Baasaboorkeeda ay u rarayso hannaanka dhijitaalka

Dowladda Biniin ayaa ku dhawaaqday in ay mid elektaroonig ah ka dhigayso Baasaboorkeeda si uu ula jaan-qaado dunida dhankaas, waqtiga howshaan la billaabayo ma sheegin Dowladdu balse warkaan ayaa farxad geliyay Dadka dalkaas.

Ujeedka waxa ay Dowladda Biniin ku sheegtay in ay adkanayno xogta ammaanka Baasaboorkeeda isla markaana Qurba-joogtooda u fududeyneyso sidii ay u heli lahaayeen baasaboorkooda si qaab dhijitaal ah.

Baasaboorka Biniin waxaa liiska baasaboorrada caalamka ah uga jiraa 78aad, dalkaan dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika ayaa horumarin kuwada Baasaboorkiisa, waxaana uu wadaa dedaallo uu ku gaarayo horumarkaas.

Dalal badan oo Afrika ah ayaa haatan u muuqda in ay ku baratamayaan casriyaynta Baasaboorkooda, helista Dal ku galka Elektarniiga ah ee qofka uu soo dalbanayo iyo adeegyo kale oo lagu hubinayo amniga Dukumiintiyada safarka.