Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Taliska Qeybta Guud ee Booliska Galmudug oo war kasoo saaray dhacdadii lagu dilay hooyada ee ka dhacday deegaanka Guudoole.

Taliska Qeybta Guud ee Booliska Galmudug oo war kasoo saaray dhacdadii lagu dilay hooyada ee ka dhacday deegaanka Guudoole.

Taliyaha Qaybta Booliska Galmudug, Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin, ayaa xaqiijiyay in ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen lix nin oo lagu tuhunsan yahay weerarkii habeen hore ka dhacay deegaanka Guudoole ee gobolka Galgaduud, weerar kaas oo sababay dilka hooyo Soomaaliyeed iyo dhaawaca caruurteedii.

Ragga lasoo qabtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay:
Cabdikafi Maxamed Axmed, Cabdulhi Xasan Daahir, Maxamed Cabdi Cabdulle, Suudi Daahir Kaahiyo, Qaasin Axmed Jimcaale, iyo Maxamed Cabdi Xeedar.

Taliyaha ayaa sheegay in eedeysanayaasha lagu soo qabtay howlgal qorshaysan oo ay fuliyeen ciidanka booliska Galmudug, kadib markii ay ka war heleen inay u baxsadeen dhanka magaalada Muqdisho.

Taliska Booliska ayaa bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, isla markaana ay ka warbixiyaan cid kasta oo ku lug leh falalka amni-darrada, si loo sugo xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee gobolka.