Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Golaha amaanka QM oo liiska argagaxisada ka saaray Axmed Sharac

Golaha amaanka QM oo liiska argagaxisada ka saaray Axmed Sharac

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka saaray liiska argagixisada, sidoo kalena cunaqabateyntii ka qaaday madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac

Hogaamiyahan ayaa sannad ka hor ahaa mid ka mid ah shaqsiyaadka loogu doonista badan yahay adduunka.

Qaraarkan oo Mareykanka horgeeyay golaha ammaanka uu ku soo aaday xilli la filayo inuu toddobaadka dambe Sharac booqasho ku tago Aqalka Cad, si uu ula kulmo Trump.

Sannad ka hor ninka uu Mareykanka ku raadinayay 10 milyan oo dollar ayaa hadda loo ridi doonaa madaafiic, salan sharafna ay siin doonaan ciidanka Aqalka cad ee Mareykanka.

Wuxuu noqonaya Axmed Sharac — madaxweynihii u horreyay ee Suuriya oo booqasho rasmi ah ku taga Aqalka Cad.