Dil argagax leh oo ka dhacay degaan hoostaga degmada Wanlaweyn
Dhacdo aad u argagax leh ayaa maanta ka dhacday deegaan hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo lagu gubay qof shacab ah.
Ninkan ayaa loo gubay sababo la xiriira aanno qabiil, waxaana xusid mudan in ninka la gubay uu ahaa qof dhimirka ka xanuunsan.
Falkan ayaa waxaa geystay maleeshiyo hubeysan, waxaana uu daba socdaa dagaalo labo beelood mudooyinkan ku dhexmarayey degaanada uu falkan arxan darada ah ka dhacay.
Dhacdadan argagaxa leh ayaa si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada iyadoo dadweynuhu ay si weyn uga fal celiyeen arrintan iyagoo ku tilmaamay mid arxan caro ah oo ka baxsan diinta iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed.
Dhacdooyinkii u dambeeyay ee odeyga isagoo aan maskax ahaan u fiyoobeen nolol lagu gubay iyo soo muuqashadii haweenay isbitaal ku hor u mushay, waxay sawir ka bixinaysa dadka aan nahay iyo sida mustaqbalkeenna u ekaanayo.
Haddii aan bulshada garaadkooda iyo wacyigooda la maalgelin oo aan lagu hagin mustaqbal toosan, waxa dhacaya waa inta aan aragnay iyo in la mid ah oo aan soo muuqan.