DFS oo sheegtay in ay gacan adag ku qabanayso Kooxaha Dadka Tahriibiya
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacan adag ku qabanayso Shabakadaha Ka shaqeeya tahriibinta Dadka, waxa ay tilmaamtay in ay heshay raadraac ku filan oo lagu gaari karo soo afjaridda Kooxahaas sida hadalka loo dhigay.
Taliyaha Hoggaanka Dambi baarista Booliiska ee C.I.D, Gaashaanle Sare Muxudiin Axmed Cismaan ayaa ciidamada iyo saraakiisha waaxdaan ka shaqeeya faray in ay indhaha si gaar ah ugu hayaan Baraha Bulshada oo ah meesha ugu badan ee dadka laga Tahriibiyo.
Waxa uu intaas ku daray in ay jiraan oo xogtooda hayaan Goobo si gaar ah uga shaqeeya Tahriibinta Dadka sida shirkadaha dadka u fududeeya safarrada (Travel Agency) si looga hortago khatarta kusoo wajahan Bulshada sida uu hadalka u dhigay.
Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa horay la horgeeyay Dad qaarkood dib looga soo celiyay Dalal kale iyaga oo tarhiib ah, shaqsiyaad lacago uga qaatay sidii ay ugu fududeyn lahaayeen safarkooda halista badan iyo kuwo kasoo badbaaday dhibaatooyin ay kala kulmeen tahriibka.