Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

WHO oo khubaro u direysa xanuunka halista ah ee ka dilaacay Itoobiya

WHO oo khubaro u direysa xanuunka halista ah ee ka dilaacay Itoobiya


Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay inay u daabulayso koox khubaro dalka Itoobiya si ay gacan uga geystaan dadaalada laamaha caafimaadka Itoobiya ee xanuunka halkasi ka dilaacay.


Bayaan ay soo saartay WHO waxay ku sheegtay in halkaasi ay u dirayso koox khubaro ah oo isugu jira 11 sarkaal oo farsamo oo khibrad u leh wax ka qabashada xumadda dhiigbaxa fayraska .


Waxay sidoo kale gacan ka gaysanayaan sheybaarada lagu xaqiijinayo, ka hortagga iyo xakamaynta caabuqa, daryeelka bukaan-socodka, isu-duwidda jawaabta xanuunka iyo in bulshada looga digo.


WHO waxa ay sidoo kale siinaysaa qalab muhiim ah oo ay ku jiraan qalabka ay shaqaalaha caafimaadka isaga ilaalin lahaayeen caabuqa.
Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka, Qandhada wadata dhiigbaxa fayrasku ama (Haemorrhagi Fever) waa magac guud oo loo bixiyo noocyada kala duwan ee cudurrada fayraska. Tusaalooyinka waxaa ka mid ah qandhada jaalaha ah, qandhada dengue, iyo Ebola


Qandhada Crimean–Congo iyo xumad Rift Valley ayaa sidoo kale isku nooc yihiin, sida lagu sheegay macluumaadka lagu daabacay bogga Ururka Caafimaadka Adduunka.


Qandhada dhiigbaxa wadata waa cudur inta badan saameeya hab-dhiska xididdada dhiigga ee jirka oo wax u dhimaya awoodda uu jirku isku hagaajin karo. Waa xanuun halis galin kara noolasha qofka.


War-saxaafadeed ay shalay soo saareen wasaaradda caafimaadka iyo machadka caafimaadka dadweynaha ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in xanuunka dhiig baxa ee ka dilaacay magaalada Jinka ayna “baaris ku socdo”.