Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Soomaaliya oo Dhaqan-gelinaysa Nidaamka Cusub ee e-CTN si loo Xoojiyo Maamulka Badeecadaha iyo Badda

Soomaaliya oo Dhaqan-gelinaysa Nidaamka Cusub ee e-CTN si loo Xoojiyo Maamulka Badeecadaha iyo Badda

Sida ku cad wareegto kasoo baxday 30/09/2025, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dhaqan-gelinta nidaam cusub oo la mid ah e-Visa, kaas oo loogu magac daray e-CTN (Electronic Cargo Tracking Number). Nidaamkan ayaa lagu xakameynayaa oo lagu diiwaangelinayaa dhammaan badeecadaha soo degaya iyo kuwa dhoofaya dalka.

Ujeeddada ugu weyn ee e-CTN waa in la hubiyo in cashuur iyo diiwaangelin sax ah lagu sameeyo badeecadaha, taasoo haddii si buuxda u hirgasha ka dhigan in Soomaaliya dib u soo ceshatay awooddeeda maamulka dhaqaalaha badda iyo dekedaha.

Warbixinta ayaa sheegaysa in maraakiibta amarka diida ay wajihi doonaan ganaaxyo culus, isla markaana loo gudbin karo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Badaha, taas oo keeni karta in ruqsadaha shaqo laga kala laabto.

Dowladda Soomaaliya oo helaysa taageero dhanka farsamada iyo dhaqaalaha ah oo ka imaanaysa Midowga Yurub, ayaa durba bilaabay dhismaha xarumo muhiim u ah maamulka badda oo ka socda magaalada Muqdisho.

Inkasta oo aysan Muqdisho awood militari oo xoog leh ku horjoogsan karin maraakiibta waaweyn, haddana dowladda ayaa sheegtay in ay hadda gacanta ku hayso sharciyo adag oo lagu ciqaabi karo cid kasta oo ku gacan seerta nidaamka cusub.

Nidaamka e-CTN ayaa lagu wadaa inuu door muhiim ah ka qaato kor u qaadista daahfurnaanta, la-dagaallanka musuqmaasuqa, iyo kobcinta dakhliga dowladda.