Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Xogta howlga culus oo lagu beegsaday guri ku yaalla Kaaraan

Xogta howlga culus oo lagu beegsaday guri ku yaalla Kaaraan

faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo xalay ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu xaqiijinayay ammaanka guud ee degmadaasi.

Howlgalka oo ahaa bartilmaameed ayaa waxaa fuliyay ciidamada Gaashaan ee Hay’adda NISA, kuwaas oo beegsaday guri ku yaalla xaafad ka tirsan degmada Kaaraan.

Saraakiil amni ayaa sheegay in guriga looga shakiyay waxyaabo liddi ku ah amniga, isla markaana ay u daateen ciidamada amniga ee xalay howlgalka ka sameeyay halkaasi.

Inta uu socday howlgalka ayaa la maqlay jugta qarax ay adeegsadeen ciidamada oo ku jabiyay albaabka guriga, kadibna sidaaas gudaha ugu galay.

Faah-faahin dheeri ah ma bixin saraakiishu, waxaana howlgalka oo qaatay saacad ay ciidamadu dib ugu laabteen xaruntii ay markii hore kasoo baxeen.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Kaaraan ka socday howlgallo guud oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo lagula dagaalamayo burcadda hubeysan, maandooriyaha iyo ciyaal weerada.