Haweeney loo haysto dilka gabar 14 jir ah oo Maxkamad la horkeenay
Maxkamadda Degmada Gaalkacyo ayaa maanta hortimid haweeney lagu eedeeyay dilka gabadh 14 jir ah, taas oo la sheegay in lagu dilay jirdil aad u daran. Intii uu socday dhageysiga kiiska, maxkamadda ayaa lagu bandhigay in ka badan 20 muuqaallo argagax leh oo ay eedeysanuhu duubtay, kuwaas oo muujinaya gabadha yar oo jirdil loo geysanayo.
Qaar ka mid ah muuqaallada la daawaday ayaa muujinaya gabadha yar oo gacmaha iyo lugaha ka xiran, iyadoo si naxariis-darro ah loo jirdilayo. Kiiskan ayaa argagax weyn ku reebay bulshada, waxaana maxkamaddu ku wargelisay inay sii wadi doonto dhageysiga ilaa ay go’aan ka gaarto.