Hooyooyin sheegay in carruurtooda si khaldan loogu xiray saldhiga magalada ayaa la hadlay warbaahinta.
Caruurta ay sheegeyaan Hooyooyinkan ayaa ka mid ah dadkii ay Booliska Mudug gacanta ku dhigeen intii ay socdeen mudaharaadyadii rabshadaha isu beddelay, Hooyooyinka ayaa ku eedeeyeen Booliska in qaar ka mid ah dadkii ay Police-ku qabteen lasii daayay, inkasta oo aan wali si madax-bannaan loo xaqiijin karin arrintaas.
Dhinaca kale,Taliyaha Booliska Gobolka Mudug oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku hayaan eedeysanayaal lagu tuhunsan yahay qas-wadayaal ka qeyb qaatay rabshadihii maalmihii dambe ka dhacayay magaalada Galkacyo, kuwaas oo uu sheegay in sharciga la horgeyn doono.