Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidanka Xoogga Dalka oo gudaha u galay deegaanka Yaaqbariweyne oo ku raad-jooga maleeshiyaad ka firxaday deegaankaas oo dil toogasho ah ku xukuman.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gudaha u galay deegaanka Yaaqbariweyne oo ku raad-jooga maleeshiyaad ka firxaday deegaankaas oo dil toogasho ah ku xukuman.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gudaha u galay deegaanka Yaaqbariweyne, iyagoo raadinaya maleeshiyaad ku firxaday deegaankaas, kuwaas oo Maxkamadda Ciidamada ay hore ugu xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira ka qeybgalka dagaallo beeleed ka dhacay degmada Walanweyn.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Guutada 7aad, Gen. Axmed Gaashaan, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Degmada Walanweyn, Gaashaanle Dhexe Axmed. Saraakiisha iyo ciidanku waxay wadaan baaritaan iyo dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoogan si loo soo qabto eedeysanayaasha baxsadka ah.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgalka uu socon doono ilaa laga soo qabto dhammaan maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanaya deegaanka iyo nawaaxigiisa, si loo fuliyo go’aannadii Maxkamadda Ciidamada.