Pakistan Oo Dhistay Goobo Hoostiisa Dhulka Ah Oo Lagu Rido Gantaallada Nukliyeerka
Islamabad – Dowladda Pakistan ayaa la sheegay inay hirgelisay xerooyin cusub oo dhulka hoostiisa ah oo loogu talagalay diyaarinta iyo ridista gantaallada nukliyeerka, sida ay muujinayaan sawirro dayax-gacmeed oo ay warbaahintu soo xigatay.
Goobahan cusub ayaa laga helay buuraleyda Kirthar ee degmada Qambar, oo ka tirsan gobolka Sindh ee waqooyi-bari Pakistan. Sawirrada laga helay dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in halkaas hadda lagu diyaariyey gantaallo nukliyeer ah oo loogu talagalay weerarro deg-deg ah haddii loo baahdo.
Arrintan ayaa sare u qaaday walaaca ku saabsan tartanka hubka nukliyeerka ee gobolka, iyadoo Pakistan iyo India ay hore ugu jireen loollan militari oo muddo dheer socday.
Mas’uuliyiinta Pakistan weli kama aysan hadlin warbixinta cusub, balse khubarada amniga ayaa sheegaya in dhismahan cusub uu xoojin karo awoodda difaaca iyo weerar-celinta ee dalkaas.