Kumannaan Qof Oo Ka Barakacay Dagaalka DR Congo Iyadoo M23 Ay Galeen Magaaladda Uvira
Dagaal xoogeystay ayaa ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, kaddib markii kooxda M23 ay gudaha u gashay magaalada istiraatiijiga ah ee Uvira, taasoo sababtay in kumannaan qof ay ka qaxaan guryahooda.
Isu-soo-baxa colaadda ayaa yimid maalmo kaddib markii madaxweynayaasha DR Congo iyo Rwanda ay ku kala saxiixdeen heshiis nabadeed magaalada Washington. Heshiiskaas ayaa ahaa mid loogu talagalay dhimista xiisadaha sii kordhaya ee labada dal.
Dowladda DR Congo waxay ku eedeysay Rwanda inay taageerto kooxda M23, balse Kigali ayaa si adag u beenisay eedeyntaasi, iyadoo xiisaddu mar kale cirka isku shareertay inkastoo heshiis nabadeed la gaaray dhawaan.
Wararka ayaa sheegaya in xaaladdu wali cakiran tahay, iyadoo dadka barakacay ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.