Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ganacsiga

Israa’iil oo Markii U Horraysay Daaha Ka Rogtay Xiriir Gaar ah oo ay la Bilowday Soomaaliya

Israa’iil oo Markii U Horraysay Daaha Ka Rogtay Xiriir Gaar ah oo ay la Bilowday Soomaaliya

Israa’iil ayaa markii ugu horraysay si cad u shaacisay inuu jiro xiriir gaar ah oo ay la bilowday Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku sheegtay inuu salka ku hayo danaha wadajirka ah ee la xiriira amniga Badda Cas iyo ka hortagga saameynta sii kordhaysa ee Xuutiyiinta ee Geeska Afrika.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Sharren Haskel, oo wareysi siisay telefishinka i24NEWS ee Israa’iil, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay maanta leedahay miisaan istiraatiiji ah oo ku saabsan dhaqaalaha, kalluumaysiga, iyo marinnada ganacsiga caalamiga ah, maadaama ay ku dhowdahay marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab. Waxay tilmaantay in arrimahan ay Soomaaliya ka dhigayaan dal muhiim u ah amniga Badda Cas iyo xasilloonida caalamka.

Xiriirkan la shaaciyey ayaa lagu sheegay inuu ka dhashay walaaca sii kordhaya ee ku aaddan khatarta Soomaaliya ka soo wajahay Xuutiyiinta, gaar ahaan kadib markii Warbixin Qaramada Midoobay ay iftiimisay inuu kordhayo iskaashiga u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab.

Illaa hadda Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin sheegashada Israa’iil, mana jiraan saraakiil ama xafiisyo Soomaaliyeed oo si rasmi ah loogu magacaabay xiriirkan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Israa’iil ay ballaarinayso xiriirkeeda diblomaasiyadeed iyo amni ee Geeska Afrika, taas oo muujinaysa sida uu gobolka u noqday goob istiraatiiji ah oo saameyn culus ku leh siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamka.