Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Goobaha Waxbarashada ee Muqdisho oo loo fasaxay Doorashada Golaha Deegaanka

Goobaha Waxbarashada ee Muqdisho oo loo fasaxay Doorashada Golaha Deegaanka

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in maalmaha ka dhiman todobaadkaan la fasaxay goobaha Waxbarashada sabab la xiriirta doorashada dhacaysa Khamiista 25ka Bishaan.

Qoraalka Wasaaradda ayaa Waalidiinta iyo Ardayda lagu wargeliyay in 21ka ilaa 25ka Bishaan ay fasaxan yihiin Dugsiyada wax lagu barto, maamullada Iskuullada & Jaamacadaha ayay ka codsatay in ay dhaqangeliyaan bayaankaan.

“WasaaraddaWaxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay ku wargelineysaa dhammaan waalidiinta, ardayda iyo bahwadaagta waxbarashada in la hakin doono howlaha waxbarashada ee Gobolka Banaadir inta u dhexeysa 21-ka Diseember ilaa 25-ka Diseembar 2025, Si loogu diyaargaroobo doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dagmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa la xirayaa dhammaan goobaha waxbarashada oo ay ka mid yihiin dugsiyada, macaahidda iyo jaamacadaha” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada XFS.

“Haddaba, Wasaaraddu waxa ay ka codsanaysaa masuuliyiinta goobaha waxbarashada ee loo asteeyey doorashooyinka in ay si habsami leh ula shaqeeyaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha” ayaa lasii raaciyay warka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaraddu waxa ay qirtay in maalmahaan daraasadaha ka baaqdeen Ardayda Gobolka Banaadir in dib looga dari doonno Sannad dugsiyeedka 2025/2026 sida lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.