Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed: “Doorashada Muqdisho ma aha mid sax ah, mana aqoonsanin, waxa wata koox ku doonaysa muddo-kororsi.”
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u dhaleeceeyay doorashada lagu wado inay ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay mid aan sax ahayn isla markaana aan haysan sharciyad.
Golaha ayaa sheegay inaysan aqoonsanayn natiijo kasta oo kasoo baxda doorashadaas, iyagoo ku eedeeyay in ay waddo koox doonaysa muddo-kororsi.
Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in maqaamka gaarka ah ee Magaalada Muqdisho uu ka horreeyo doorasho uu ku tilmaamay “boob,” isaga oo xusay inaysan raalli ka ahayn jihada ay wax u socdaan.
Dhankiisa, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ku eedeeyay in doorashadu ay ku koobantahay hal qof, isaga oo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu raadinayo muddo-kororsi.
Wuxuu intaas ku daray in noloshu aysan ku ekaan Villa Soomaaliya.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in doorashada berri ka dhaceyso Muqdisho ay tahay mid hal dhinac ah, isla markaana aysan aqbalayn natiijada kasoo baxda.
Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ay taagan tahay muran siyaasadeed oo la xiriira hannaanka iyo hufnaanta doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, taas oo walaac ku abuurtay qeybo ka mid ah bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.