Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Dowladda Jabbuuti oo Xirtay Xafiiskii Diblomaasiyadda Somaliland ee Jabuuti

Dowladda Jabbuuti oo Xirtay Xafiiskii Diblomaasiyadda Somaliland ee Jabuuti

Dowladda Jamhuuriyadda Jabbuuti ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay albaabada u laabatay xafiiskii diblomaasiyadda ee maamulka Somaliland ku lahaa magaalada Jabuuti.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Jabbuuti ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kaddib is-waafaq la’aan la xiriirta tallaabo ay qaadeen mas’uuliyiinta Somaliland oo ku saabsan dhisidda iskaashi lala yeesho Israa’iil, arrin lagu tilmaamay mid ku saleysan aqoonsi ka hor imanaya xeerarka sharciga caalamiga ah iyo mowqifka Jamhuuriyadda Jabbuuti.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in Dowladda Jabbuuti ay go’aansatay joojinta howlaha xafiiska xiriirka ee Somaliland, iyadoo xustay in ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga caalamiga ah iyo mabaa’diideeda siyaasadeed ee ku aaddan arrimaha Soomaaliya.

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay jiraan isbeddello diblomaasiyadeed iyo khilaafaad sii kordhaya oo la xiriira xiriirrada gobolka, taas oo saameyn ku yeelan karta xiriirka u dhexeeya Jabbuuti iyo Somaliland.