Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Fahad Yaasiin oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Fahad Yaasiin oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka, sidoo kale Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Fahad Yaasin Xaaji Daahir, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib muddo ku dhow saddex sano oo uu dalka ka maqnaa.

Fahad Yaasin ayaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, halkaas oo kaddib lagu dejiyay Hotelka Ammaara oo ku yaalla gudaha xarunta garoonka diyaaradaha, sababo la xiriira arrimo amni.

Sida ay ogaatay Wargeyska Dawan, Fahad Yaasin ayaa helay dammaanad qoraal ah oo ay siiyeen hay’adaha amniga, taas oo xaqiijinaysa in aan loo beegsan doonin eedeymo hore oo lagu hayay, kuwaas oo la xiriiray xilligii uu madaxda ka ahaa Hay’adda NISA.

Fahad Yaasin ayaa dalka ka dhoofay 16-kii May 2022, maalin kaddib markii madaxweynaha hadda talada haya, Xasan Sheekh Maxamuud, loo doortay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Fahad Yaasin uu inta uu Muqdisho joogo saldhig ka dhigan doono hotel ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha, iyadoo tallaabadaasi lagu sababeeyay ilaalinta amnigiisa.