Shaqaale Nadiifin Ah Oo Ku Geeriyooday Garoonka Aadan Cadde Kadib Markii Uu Ka Soo Dhacay Muraayadaha Hore
Shaqaale ka tirsanaa shirkadda nadaafadda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ku geeriyooday shil shaqo kadib markii uu ka soo dhacay qeybta kore ee muraayadaha hore ee garoonka.
Marxuumka ayaa ku dhacay dhulka, halkaas oo uu isla markiiba ku geeriyooday.
Marxuumka ayaa u shaqeynayay shirkadda Sky Way, oo dhawaan la wareegtay adeegga nadaafadda garoonka, kadib markii ay shaqada kala wareegtay shirkaddii hore ee Global Reach. Sky Way ayaa muddo ku dhow laba bilood ka howlgaleysay garoonka xilliga uu shilku dhacay.
Wararka ayaa sheegaya in shaqaalaha uusan haysan qalabka badbaadada (safety equipment) ee looga baahnaa shaqada halista ah ee uu qabanayay, taasoo loo arko masuuliyad-darro keentay geeridiisa.
Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in mushaarka uu qaadanayay oo ahaa $180 uusan u qalmin halista shaqada uu ku jiray.
Dhacdadan ayaa dhalisay walaac la xiriira badqabka shaqaalaha iyo baahida loo qabo in shirkadaha ka shaqeeya garoonka ay si buuxda u hirgeliyaan shuruudaha badbaadada shaqada si looga hortago shilal noocan oo kale ah.