Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

NISA oo hawlgal qorshaysan ku dishay xubin AS

NISA oo hawlgal qorshaysan ku dishay xubin AS

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay xubin ka tirsanaa AS, kana mid ahaa xubnaha u qaabilsanaa miinooyinka dhulka lagu aaso, kaas oo muddo dheer lagu raad-joogay.

Howlgalka oo si taxaddar leh ay u fuliyeen ciidanku, ayaa lagu khaarijiyay dhagar-qabahaasi, iyadoo laga soo furtay qori nooca AK-47 ah.