Dagaal culus oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo ka socda deegaanka Roox ee hoostaga Degmada Gaalkacyo,
Dagaal culus oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa ka socda deegaanka Roox ee hoostaga Degmada Gaalkacyo, kaas oo saacadihii ugu dambeeyay si weyn u xoogeystay, sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya halkaasi.
Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la maqlayaa jugta hubka culus, iyadoo labada dhinacba ay kala wareegayaan goobo ku yaalla deegaanka.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in uu jiro khasaaro culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee khasaarihii ka dhashay dagaalka.
Dadka deegaanka ayaa bilaabay barakac, iyagoo ka cararaya goobaha uu dagaalku ka socdo, taas oo keentay cabsi iyo jahawareer ku yimid nolosha shacabka. Sidoo kale, ganacsigii iyo isu socodkii Gaalkacyo iyo deegaannada ku dhow ayaa hakad galay.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Gaalkacyo ama hay’adaha ammaanka, hase yeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadaallo lagu doonayo in lagu kala dhexgalo labada dhinac ay socdaan, si loo joojiyo colaadda loona badbaadiyo shacabka rayidka ah.
Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida uu dagaalku ku dhammaan doono iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.