Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ganacsiga

Maraykanka & Israa’iil oo duqaynaya Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Tamarta Iiraan

Maraykanka & Israa’iil oo duqaynaya Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Tamarta Iiraan

Maraykanka iyo Israa’iil oo is xulufaysanaya ayaa dib u billaabay duqaymaha ka dhanka ah kaabayaasha dhaqaalaha & Tamarta Iiraan, Donald Trump ayaa horay ugu hanjabay in uu saacadaha uu u qabtay Tehran haddii ay ku furi wayso Marinka Hormuuz in uu beegsanayo.

Aroonimadii hore ee Saakay waxaa meelo kala duwan oo Caasimadda laga maqlay jug xooggan halka goobaha Korontada iyo Biyaha dalkaas lasoo warinayo in ay beegsadeen Diyaaradaha Maraykanka & Israa’iil inkasta oo aanay jirin faahfaahin arrintaas la xiriirta.

Duqaymaha oo ah kuwo safmar ah waxaa lasoo sheegay in ay gaareen Ilalaha Dhaqaalaha, Xarumaha hubka halista badan ee Nukliyeerka, Xeryaha Ciidamada Ilaalada Kacaanka gaar ahaan kuwa Badda iyo meelo kale oo dalkaasi ah.

Tehran ayaa ku goodisay in ay jawaab u qalanta meel weliba oo laga taabto ay samayn doonto iyada oo laga tusaale qaadan karo weerarkii dhowaan lagu beegsaday mid kamid ah xarumaha Nukliyeerka oo falcelinteeda ku beegsatay xarumo lamid ah oo Israa’iil leedahay.