CXDS oo si cad u beeninaya warar been abuur ah oo lagu faafiyay qaar ka mid ah warbaahinta iyo baraha bulshada,
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa si cad u beeninaya warar been abuur ah oo lagu faafiyay qaar ka mid ah warbaahinta iyo baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in diyaarad nooca Helicopter ah ay ku dhacday magaalada Baydhabo.
Taliska CXDS wuxuu xaqiijinayaa in warkaasi uusan waxba ka jirin, isla markaana aysan jirin wax shil ah oo noocaas ah oo ka dhacay Baydhabo ama deegaanada ku xeeran.
Wararkan been abuurka ah ayaa u muuqda kuwo lagu doonayo in lagu marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed laguna wiiqo kalsoonida hay’adaha amniga dalka.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa warbaahinta iyo bulshada inay ka feejignaadaan faafinta wararka aan la hubin, isla markaana ay xogta saxda ah ka helaan ilaha rasmiga ah ee ciidanka.
Ugu dambeyn, Taliska CXDS wuxuu xaqiijinayaa in xaaladda amni ee Baydhabo ay tahay mid degan, ciidankuna ay si buuxda u gutayaan waajibaadkooda qaran