Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Maraykanka oo sheegay in uu go’doomiyay Dekedaha Iiraan

Maraykanka oo sheegay in uu go’doomiyay Dekedaha Iiraan

Taliska Ciidanka Badda Maraykanka ayaa sheegay in ay go’doomiyeen Dekedaha Jamhuuriyadda Iiraan kaddib markii Xukuumadda Tehran ay kasoo dabci waysay go’aanka ay meel ku dhegga ku noqotay ee maamulka Marin Biyoodka Hormuz.

Maraykanka ayaa tallaabadaan ku sifeeyay mid uu Iiraan kala dagaalamayo dhinaca dhaqaalaha si dalkaas hoos u dhac wayn u dareemo kuna qasbanaado wadahadal aan shuruud ku xirnayn oo la xiriira maamulka Marinkaas.

Markab nooca xambaara Diyaaradaha Militariga iyo Doomaha dheereeya ayaa istaagay meel muhiim ah oo laga fulin karo howlgallada ka dhanka ah dhinaca Ganacsiga iyo isu gudubka Iiraan sida uu sheegay sarkaal u hadlay Washington.

Iiraan ayaa horay ugu goodisay in ay burburin doonto dhammaan maraakiibta iyo doomaha ka dhega furaysta amarkooda, waxa ay ku wargelisay naaquudayaasha wada in ay la xiriiraan ciidanka Ilaalada Kacaanka si fasax loo siiyo.