Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Dayuurado dagaal oo duqeymo ka geystay Sh/hoose & J/dhexe

Dayuurado dagaal oo duqeymo ka geystay Sh/hoose & J/dhexe

Diyaarado dagaal ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeymo culus ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubada Dhexe, kuwaasi oo lala beegsaday goobo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno iyo saldhigyo ay isticmaalaan kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta ugu horreysay ayaa ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, oo ka mid ah fariisimaha waaweyn ee Al-Shabaab. Wararka la helayo ayaa sheegaya in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan kooxda, xilli ay marayeen duleedka degmadaasi. Lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka.

Duqeyn labaad ayaa ka dhacday degmada Kuunya-Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo la sheegay in lagu garaacay xarun tababar ama xero ciidan oo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanka. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen jug culus oo ka dhalatay duqeynta iyo dhaqdhaqaaqyo militari oo xigay.

Sidoo kale duqeyn saddexaad ayaa laga fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana wararku sheegayaan in halkaasi lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay shir ku lahaayeen deegaanka xilliga weerarku dhacay.

Duqeyn kale ayaa iyaduna ka dhacday dhulka miyiga ah ee ku teedsan degmada Yaaqbariweyne, halkaasi oo lagu weeraray xarun kale oo la sheegay inay ahayd saldhig ama xero ay kooxda ku tababarto maleeshiyaadkeeda.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidanka Xoogga dalka ama saaxiibada caalamiga ah ee taageera howlgalada cirka ah, kuwaas oo inta badan fuliya duqeymaha noocaan ah, si loo xaqiijiyo bartilmaameedyada la weeraray iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Duqeymahan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay sare u qaaday howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay toddobaadyadii lasoo dhaafay kordhiyeen cadaadiska militari ee lagu saarayo kooxda gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka.