Banaanbaxyo xooggan oo ka socda Nairobi iyo saamaynta uu ku yeeshay ganacsiga Somalida.
Waxaa maanta guud ahaan dalka Kenya ka socda mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo sare u kaca qiimaha shidaalka iyo xaaladda dhaqaale ee sii adkaanaysa, iyadoo kumannaan qof ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalooyinka waaweyn.
Dibadbaxyada oo si xooggan uga socda caasimadda Nairobi ayaa saameyn weyn ku yeeshay isu socodka magaalada, waxaana hakad galay gaadiidkii dadweynaha, halka ganacsiyo badan ay albaabada u laabeen cabsi la xiriirta amniga iyo rabshado ka dhalan kara mudaharaadyada.
Goobjoogayaal ku sugan Nairobi ayaa sheegay in waddooyinka muhiimka ah ee bartamaha magaalada lagu arkayay taayiro la gubay iyo holac ka baxaya meelo kala duwan, iyadoo ciidamada ammaanka ay adeegsadeen tallaabooyin lagu kala eryayo dibadbaxayaasha.
Meelo badan ayaa laga maqlayay qaylo dhaan, waxaana hawada isku shareeray qiiq ka dhashay dabka waddooyinka lagu shiday, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in xaaladdu faraha ka baxdo.
Ganacsiyo badan oo ay leeyihiin Soomaali ku nool Kenya, gaar ahaan kuwa ku yaalla xaafadaha ganacsiga ee Nairobi iyo magaalooyin kale, ayaa la sheegay inay si ku meel gaar ah u xirmeen, kaddib cabsi laga qabo in rabshaduhu sababi karaan boob iyo burbur hantiyeed.
Qaar kamid ah ganacsatada Soomaalida ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan badqabka hantidooda, iyagoo xusuustay dhacdooyin hore oo mudaharaadyo dalka ka dhacay ay isu beddeleen falal bililiqo iyo burburin ah.
Dibadbaxyadan ayaa kusoo aadaya xilli shacabka Kenya ay sii kordhinayaan cadaadiska ay saarayaan dowladda, iyagoo dalbanaya in wax laga qabto sare u kaca qiimaha nolosha, canshuuraha kordhay, iyo xaaladda dhaqaale ee sii adkaanaysa.