Shariif oo ugu dambeyn aqbalay inuu ka guuro hoygiisa Mirinaayo
Wararka ugu dambeeyay ee Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed uu ugu dambeyn aqbalay inuu si iskiis ah uga guuro hoygii uu dhawaan deganaa ee xaafadda Mirinaayo, islamarkaana uu dib ugu laabto gurigiisii hore ee ku yaallay agagaarka Jazeera Palace Hotel.
Go’aankan ayaa yimid kadib maalmo ay socdeen dadaallo iyo waanwaan xooggan oo ay hormuud ka ahaayeen odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo xubno kale oo bulshada saameyn ku leh. Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in kulan gaar ah oo Sheekh Shariif la yeeshay odayaal dhaqameed uu door weyn ka qaatay in la gaaro is-afgarad lagu dejinayo xiisaddii ka taagnayd Mirinaayo.
Odayaasha la kulmay Sheekh Shariif waxaa ka mid ahaa Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, oo ka mid ah isimada Soomaaliyeed ee saameynta ku leh arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka. Wararka ayaa tilmaamaya in odayaashu ku boorriyeen Sheekh Shariif inuu mudnaanta siiyo xasilloonida caasimadda iyo in laga fogaado xaalad kasta oo horseedi karta iska horimaad.
Shariif ayaa la filayaa inuu saacadaha dambe ee maanta ka baxo Mirinaayo kuna laabto hoygiisa ku yaaalla agagaarka Hotel Jazeera oo ku dhow garoonka Dayuuradaha Aden Cabdulle.
Dhanka kale, waxaa la sheegay in Sheekh Shariif uu ka cudurdaartay inuu qaabilo wafdi mas’uuliyiin sare ah oo loo diray si ay ula kulmaan. Mas’uuliyiintaas ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Sida ay wararku sheegayaan, halkii uu kulan toos ah la yeelan lahaa wafdigaas, Sheekh Shariif wuxuu doorbiday inuu arrinta ku wajaho wadahadallada iyo waanwaanta ay wadeen odayaasha dhaqanka iyo dhinacyada kale ee dhexdhexaadinta.
Tallaabada Sheekh Shariif uu uga guurayo Mirinaayo waxaa loo arki karaa tanaasul siyaasadeed oo gacan ka geysan kara dejinta xiisaddii maalmahan ka jirtay Muqdisho. Waxa kale oo ay yareyn kartaa walaacii laga qabay in ciidamadii isku horfadhiyay deegaankaasi ay isku dhacaan.
Xiisadda Mirinaayo ayaa maalmihii la soo dhaafay noqotay arrinta ugu hadal-heynta badan siyaasadda Soomaaliya, iyadoo beesha caalamka, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin badan ay ku baaqayeen in khilaafka lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad halkii uu isu beddeli lahaa muran amni.