Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Shariif Sheekh Axmed oo ka guuray Cabdicasiis & Ciidanka DFS oo si buuxda ula wareegay Degmadaas

Shariif Sheekh Axmed oo ka guuray Cabdicasiis & Ciidanka DFS oo si buuxda ula wareegay Degmadaas

Madaxweynihii Todobaad ee Soomaaliya ayaa 2:30 pm Waqtiga Geeska Afrika si toos ah uga soo guuray Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir kaddib markii uu aqbalay shuruudihii Dowladda Federaalka ay hor dhigtay oo ugu horraysay in uu halkaas isaga guuro.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale oo tagay wadahadal kaddib uu halkaas isaga oo baxay waxaana uu dib ugu soo laabtay hoygiisa ku yaalla Degmada Wadajir gaar ahaan meel aan sidaas uga fogayn Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shariif ayaa markii uu soo baxayay waxaa la socday ku dhowaad 10 Gaari oo ay kamid yihiin kuwa ay wateen Ergadii kasoo saartay Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, waxaana isla xiligii uu soo baxay goobihii uu joogay la wareegay ciidamo katirsan Dowladda Federaalka.

Isu socodka Dadka iyo Gaadiidka Xeebta Liido ayaa weli xiran, waxaa lagu wadaa in saraakiil katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tagaan goobihii lagu dagaalamay iyada oo warar soo baxaya ay sheegayaan in halkaas ay kula hadli doonnaan Warbaahinta.

Shariif Sheekh Axmed marka uu dib ugu laabto Hoygiisa waxaa lagu wadaa in uu qaabilo xubno katirsan Mucaaradka isla markaana ay si wadajir ah Warbaahinta ula hadlaan una faahfaahiyaan wixii dhacay, kulamadii uu la qaatay ergadii waanwaanta iyo arrimo kale.