Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ganacsiga

Maraakiibta ku xayiran Marinka Hormuz oo looga dhex dabbaaldegay heshiiska Maraykanka & Iiraan

Maraakiibta ku xayiran Marinka Hormuz oo looga dhex dabbaaldegay heshiiska Maraykanka & Iiraan

Maraakiibta Shidaalka wada ee ku xayiran Marinka Hormuz waxaa ku dhex dabbaaldegay Shaqaalaha saaran ee halkaas ku xayirnaa maadaama heshiis ay wadagaareen Maraykanka iyo Iiraan oo colaadda ka dhex jirta darteed u xayirmeen.


Waxa ay indhaha ku hayeen dhaqdhaqaaqyada wadahadallada oo marba dhinac loo riixayay iyada oo ugu dambayn la isku afgartay in 19ka Bishaan oo ku beegan Jimcaha qallinka ay ku duugayaan wakiillada labada dhinac waa Maraykanka & Iiraan.
In si degdeg ah loo joojiyo dhammaan howlgalada militari ee socda.


In la dhaqan geliyo xabbad-joojin joogto ah oo ka hirgasha dhammaan furimaha colaadaha.
In la dejiyo xaaladda ka taagan Lubnaan iyo meelaha kale ee ay colaadaha saameeyeen.
In dib loo furo marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz.


In maraakiibta ganacsiga adduunka loo oggolaado inay si xor ah u maraan marinka Hormuz.
In la bilaabo wadahadallo dheeraad ah oo lagu xallinayo qodobbada wali harsan.


Falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan in heshiisku:
Hoos u dhigi karo khatarta dagaal ballaaran oo gobolka ka qarxa.
Dib u soo celin karo isu socodka ganacsiga caalamiga ah.
Yareyn karo qiimaha shidaalka ee caalamka.
Furfuri karo albaab cusub oo wadahadal ah oo u dhexeeya Washington iyo Tehran.