Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Saaxiibada Caalamka oo Duqeymo Ka Fuliyay Shabeellaha Hoose, 27 Al-Shabaab ahna Lagu Dilay

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Saaxiibada Caalamka oo Duqeymo Ka Fuliyay Shabeellaha Hoose, 27 Al-Shabaab ahna Lagu Dilay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa 1-dii iyo 2-dii Luulyo 2026 fuliyay duqeymo is xigxigay oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta AS ee deegaannada Tawakal, Nuun Garre iyo Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.


Duqeymahaas ayaa lagu dilay 27 dhagarqabe oo ka tirsanaa AS, halka labaatameeyo lagu dhaawacay. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay gaadiid, hub, saanad ciidan iyo fariisimo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay abaabulka iyo fulinta falalka argagixisanimo.