Iran oo si la yaab leh uga hashay talaabo uu qaaday Maraykanku.
Taliyaha Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya ee Iiraan, Cali Cabdullaahi, ayaa Maraykanka u diray digniin culus, isaga oo sheegay in weerar kasta ama waxa uu ku tilmaamay “falal gardarro ah” ay ciidamada qalabka sida ee Iiraan uga jawaabi doonaan si adag oo go’aan leh.
Cali Cabdullaahi ayaa Maraykanka ugu hanjabay “jawaab burburin doonta”, isaga oo sheegay in jawaabta Iiraan ay Washington ku soo rogi doonto khasaare ka culus kuwii ka dhashay waxa uu ku tilmaamay “dagaalladii labaad iyo saddexaad ee lagu soo qaaday”.
Taliyaha ayaa hadalkiisa ku sheegay in ciidamada Iiraan ay si buuxda ugu diyaar garoobeen inay ka jawaabaan khatar kasta oo soo wajahda dalka, isaga oo xusay in go’aanka iyo awoodda ciidamada qalabka sida ay muhiim u yihiin difaaca Jamhuuriyadda Islaamiga ah.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada ciidamada qalabka sida, shacabka iyo mas’uuliyiinta Iiraan, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Tehran iyo Washington.
Cali Cabdullaahi ayaa hadalkiisa ku saleeyay farriin qoraal ah oo loo nisbeeyay hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, taas oo lagu adkeeyay in Iiraan ay si wadajir ah uga hortagi doonto wax kasta oo ay u aragto khatar ama gardarro dibadeed.