Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay socdaan wada hadallo lagu kala furfurayo Ciidamo taabacsan Hoggaamiyihii hore ee Koofur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, kuwaasi oo ku sugan bannaanka magaalada Baydhabo.
Bayaan ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in aan wax natiijo ah laga gaareyn dagaal loogu adeegayo dano shaqsi ama shisheeye, iyadoo ugu baaqday dhallinyarrada ku sugan duleedka Baydhabo in ay isku soo dhiibaan Ciidamada Amniga.
Sidoo kale, Qoraalka Dowladda ayaa lagu xusay in aan marna la oggolaan doonin hub sharci darro ah oo lagu khalkhal galiyo amniga deegaannada Koofur Galbeed, iyadoo soo soo jeedisay in la ilaaliyo Sharciga.
Dadaalladan ay wado Dowladda Federaalka ee wada hadallada loola yeelanayo Ciidamada taabacsan Laftagareen ayaa ku soo aadaya xilli maalintii shalay ay in ka badan 100 askari isku soo dhiibeen Hay’adaha Amniga, kuwaasi oo uu kamid yahay Guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay, Ibraahim Kalaay.
Ciidamadan ayaa watay gaadiid dagaal iyo hub, iyagoo si rasmi ah ugu wareegay dhinaca Dowladda Federaalka iyo Maamulka la aqoonsan yahay ee uu Hoggaamiyo Aadan Madoobe.
Dhacdooyinkan ayaa ku soo aadaya xilli Ciidamadan taabacsan Laftagareen ay weeraro joogta ah ku soo qaadayeen magaalada Baydhabo tan iyo markii laga saarey dhammaadkii bishii March ee sannadkan.


