Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Mareykanka oo wax ka beddel ku sameysay liiska shaqsiyaadka Soomaalida ah

Mareykanka oo wax ka beddel ku sameysay liiska shaqsiyaadka Soomaalida ah

Dowladda Mareykanka ayaa wax ka beddel ku sameysay liiska shaqsiyaadka Soomaalida ah ee horey loogu daray liiska cunaqabateynta, iyadoo magacyo laga saaray iyo kuwo kale laga saxay xogtooda.

Isbeddelladan waxaa sameeyay Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC) ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka, kaas oo cusboonaysiiyay xogta ku saabsan shaqsiyaadka iyo hay’adaha ku jiray liiska cunaqabateynta.

Shaqsiyaadka laga saaray liiska waxaa ka mid ah qaar horay loogu daray cunaqabateynta balse geeriyooday, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal hore oo AS ah sida Xasan Turki iyo Axmed Cabdi Godane.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa wax ka beddel ku sameeyay magacyada qaar ka mid ah shaqsiyaadka ku jiray liiska, kuwaas oo si khaldan hore loogu qoray.

Dadka magacyadooda la saxay waxaa ka mid ah Xasan Daahir Aweys, oo weli ku jira liiska cunaqabateynta Mareykanka, balse xogta magaciisa iyo faahfaahinta la xiriirta lagu sameeyay wax ka beddel.

Tallaabadan ayaa ah mid ka mid ah cusboonaysiinta xogta liisaska cunaqabateynta si loo waafajiyo xaaladda dhabta ah ee shaqsiyaadka iyo xogta rasmiga ah ee hay’adaha Mareykanka.