Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug una dhaxaysay Ciidamada Daraawiishta Puntland iyo ciidanka PSF ee horay u sheegay in ay hoostagaan Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Jubbaland ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Maamulka Puntland uu galo colaad sokeeye isla markaana xiligaan ay dagaalamaan Ciidamo isku deegaan ah, waxaana uu Maamulkaas soo jeediyay in laga fogaado wax weliba xiisad dhallin kara.
Axmed Madoobe ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid ka dhan ah Nabadgalyada, Horumarka iyo wada noolaashiyaha Bulshada, waxaana uu ku baaqay in loo istaago sidii looga hortagi lahaa colaaddaas inta aysan saamayn Deegaannada Maamulka Puntland.