Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Maamulka Puntland oo sheegay in uu gacanta ku dhigay xerada Ciidanka PSF ee Gaalkacyo

Maamulka Puntland oo sheegay in uu gacanta ku dhigay xerada Ciidanka PSF ee Gaalkacyo

War kasoo baxay Booliiska Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada maamulkaas ay si buuxda gacanta ugu dhigeen Xerada Ciidanka PSF ee Bariga magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Maamulka Puntland ayaa ciidanka PSF ku eedeeyay in ay dhibaato ku yihiin Amniga Magaalada Gaalkacyo sidaas awgeed iyaga oo ka duullaya ka dhiidhinta caqabaddaas ay ku duulleen xerada ciidankaas sida hadalka loo dhigay.

Puntland ayaa ku hanjabtay in ay qaadayso tallaabo sharci oo ka dhan ah ciidamada aan hoostagin Maamulka Siciid Deni ee jooga deegaannada Maamulkaas sida lagu sheegay warka kasoo baxay Booliiska.

Ma jiro war kasoo baxay dhinaca Ciidanka PSF ee Dowladda Federaalka hoostaga oo ay uga jawaabayaan weerarkaas lagu qaaday iyo guusha ay ka sheegteen ciidamada Maamulka Puntland dagaalkii saakay waqti hore ka dhacay Gaalkacyo.