Soomaaliya oo Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii ku dhintay Roobka ka da’ay Gobolka Amxaarada
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Itoobiya uga tacsiyaysay Dadkii uga dhintay daadadkii ka dhashay Roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay Gobolka Amxaarada
Warka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Muqdisho ay dhinac taagan tahay dhiggeeda Itoobiya oo dhexda ka taagan xaaladda ka dhalatay roobabkaas mahiigaanka ahaa ee Gobolka Amxaarada ka da’ay.
Waxa ay Dowladda Soomaaliya bogaadisay dedaallada socda ee lagu baadi goobayo dadkii lagu waayay musiibadaas isla markaana loogu gurmayo Dadka dhibaatadu kasoo gaartay roobkaas mahiigaanka ah sida hadalka loo dhigay.
Halkaas ka aqriso warka kasoo baxay Soomaaliya:
