Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyay horumarka Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyay horumarka Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay aasaaska Dowlad-Goboleedka Galmudug, isagoo bogaadiyay horumarka laga sameeyay deegaannada maamulka iyo dadaallada shacabka iyo dowladda ay ku bixiyeen dhismaha dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay kasoo gudubtay marxalado adag oo ay ka mid yihiin burburkii dowladdii dhexe iyo colaaddii sokeeye, isagoo xusay in isbeddel muuqda uu dalka ka jiro, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dowlad-dhiska.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in awoodda Al-Shabaab iyo Daacish la wiiqay, balse loo baahan yahay in la sii wado dadaallada lagu soo afjarayo kooxahaasi. Waxa uu shacabka ugu baaqay inay taageeraan dowladda, nabadda iyo dadaallada lagu dhisayo Soomaaliya isku filan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale taageeray hanaanka siyaasadeed ee ku dhisan sharciga iyo doorashooyinka dadweynaha, isagoo sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn xukun ku dhisan kali-talisnimo, balse loo baahan yahay dowladnimo iyo nidaam siyaasadeed oo cad.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmahan socdaal dhulka ah ku maraya deegaannada Galmudug, waxaana la filayaa inuu halkaas tababar ugu soo xiro ciidamo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu tababaray deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.