Sacuudiga oo qaaday tilaabo sii murjin karta xiriirka kala dhexeeya Imaaraadka.
Sacuudi Carabiya ayaa sare u qaaday hubinta iyo kormeerka lagu sameeyo lacagaha laga diro dalka ee ku wajahan Imaaraadka Carabta, tallaabadaas oo loo arko calaamad cusub oo muujinaysa sii xumaanshaha xiriirka Riyadh iyo Abu Dhabi.
Sida ay Reuters sheegtay, bangiyada Sacuudiga ayaa lacagaha loo dirayo Imaaraadka marinaya baaritaanno dheeraad ah oo la xiriira la-dagaallanka lacagaha la dhaqo, maalgelinta argagixisada iyo dambiyada maaliyadeed. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in tallaabooyinkan lagu daray nidaamka bangiyada horaantii sanadkan.
Ganacsato ayaa Reuters u sheegay in qaar ka mid ah lacagaha loo dirayo Imaaraadka la hakiyay ama dib loogu celiyay shirkadihii dirayay, halka qaar kalena ay qaateen toddobaadyo halkii ay caadiyan maalmo ku qaadan jireen. Qaar ka mid ah shirkadaha ayaa xitaa bilaabay inay lacagaha u mariyaan dalal saddexaad. (Internazionale)
Bangiga Dhexe ee Sacuudiga ayaa sheegay inaysan jirin xayiraad toos ah oo lagu soo rogay dal gaar ah, balse bangiyada ay sameeyaan qiimeyn iyo hubin dheeraad ah iyadoo lagu saleynayo khataraha maaliyadeed.
Imaaraadka dhankiisa wuxuu sheegay inuusan helin cabashooyin rasmi ah oo ka yimid shirkadaha gaarka loo leeyahay oo ku saabsan dib-u-dhac aan caadi ahayn oo ku yimid wareejinta lacagaha.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan kala aragti duwanaanshaha labada dal, gaar ahaan arrimaha Yemen, siyaasadda shidaalka, saameynta gobolka iyo loollanka dhaqaale. Inkastoo labada dal ay weli leeyihiin xiriir ganacsi oo xooggan, falanqeeyayaashu waxay aaminsan yihiin in tartanka sii xoogeysanaya uu durba bilaabay inuu saameeyo ganacsatada iyo maalgashadayaasha.