Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Qodista Curad-1 oo Saddex-meelood meel Gaartay.

Qodista Curad-1 oo Saddex-meelood meel Gaartay.

Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa sheegtay in weli ay tahay xilli hore in la xaqiijiyo in shidaal ama gaas dabiici ah laga helay ceelka Curad-1, oo Turkigu ka qodayo biyaha Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Batroolka Soomaaliya, Injineer Cabdulqaadir Aadan, ayaa sheegay in qodista ceelku ay gaartay 1,300 mitir oo ka hooseeya sagxadda badda, iyadoo qorshuhu yahay in la gaaro qiyaastii 4,000 mitir oo ka hooseeya sagxadda badda.

 “Weli waxaan ku jirnaa marxaladdii qodista, sidaas darteed waa xilli hore in la sheego in shidaal ama gaas la helay,” ayuu yiri Cabdulqaadir Aadan.

Ceelka Curad-1 wuxuu ku yaallaa Block 153, qiyaastii 372 KM waqooyi-bari kaga beegan Muqdisho. Waxaa qodaya shirkadda Turkish Petroleum Corporation (TPAO), iyadoo adeegsanaysa markabka qodista ee Çağrı Bey.

Goobta ceelka waxaa ku hareeraysan biyo qoto-dheer oo gaaraya ku dhowaad 3,500 mitir, halka qodista dhulka badda hoosteeda loo qorsheeyay 4,000 mitir. Taasi waxay ceelka siinaysaa qoto-dheer guud oo ku dhow 7,500 mitir, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah ceelasha badda ugu qoto dheer ee dunida.

Qodista ayaa loo qaybiyay toddobo marxaladood, waxaana hadda socda marxaladda afraad. Shaqaalaha ayaa sidoo kale beddelaya dhuumaha ilaalinta ceelka, iyadoo laga gudbayo cabbirka 18-inch loona gudbayo 16-inch.

Hawsha oo markii hore la filayay in la soo gabagabeeyo bisha Oktoobar ayaa hadda la filayaa in lagu dhammeeyo dhammaadka Sebtembar, sida uu sheegay Agaasimaha Hay’adda Batroolka.

Inta u dhexeysa 470 ilaa 480 shaqaale ayaa ka howlgala maraakiibta qodista iyo taageerada, waxaana qiyaastii 20 boqolkiiba ay yihiin shaqaale Turki ah. Hawsha ayaa lagu sheegay inay si wanaagsan u socoto, iyadoo aan wax shil ah laga soo sheegin inkastoo xaaladaha badda ay mararka qaar adag yihiin.

Goobta Curad-1 waxaa la doortay kadib sahanno seismic ah oo 3D ah oo markabka cilmi-baarista Turkiga ee Oruç Reis uu ka sameeyay biyaha Soomaaliya, isagoo baaray in ka badan 4,400 KM² oo ka mid ah saddex goobood oo badeed.

Curad-1 ayaa ah tijaabadii ugu horreysay ee qodis qoto-dheer oo casri ah oo si dhab ah loogu tijaabinayo awoodda shidaalka iyo gaaska Soomaaliya ee badda, balse natiijada kama dambaysta ah lama ogaan doono ilaa ceelka laga gaaro qoto-dheeraanta loo qorsheeyay lana sameeyo baaritaannada farsamo.

Sidaas darteed, Soomaaliya waxay hadda sugaysaa jawaabta ugu muhiimsan ee mashruucan: in xogtii seismic-ka ahayd ay dhab ahaan tilmaamayso shidaal ama gaas ganacsi ahaan laga faa’iideysan karo.