Dalalka Carabta oo wajahaya hoos u dhac weyn oo ku yimid dalxiiska, duulimaadyada iyo maalgashiga
Dalalka Carabta ayaa wajahaya hoos u dhac weyn oo ku yimid dalxiiska, duulimaadyada iyo maalgashiga, iyadoo arrintan loo aaneynayo dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, sida ay qortay wargeyska Wall Street Journal ee Mareykanka.
Dubai, ayaa lagu soo warramayaa in hoteelladu ay wajahaan hoos u dhac gaaraya 56%, halka Baxrayn uu hakiyay tartan baabuur oo muhiim ah. Sidoo kale, Sacuudi Carabiya waxaa hakad galay munaasabado la xiriira Esports World Cup, oo ah koobka caalamiga ah ee ciyaaraha elektaroonigga ah.
Muddo tobannaan sano ah, dalalka Khaliijka ayaa loo arkayay inay yihiin meelaha ugu amniga badan Bariga Dhexe. Hase yeeshee, dagaalka Iiraan ayaa hadda saameyn ku yeeshay sawirkaas, iyadoo walaaca amni uu sii kordhayo.
Dhanka kale, Xuutiyiinta Yemen, oo xiriir dhow la leh Iiraan isla markaana xiisad kala dhaxayso Sacuudi Carabiya, ayaa lagu eedeeyay inay isku dayayaan inay carqaladeeyaan isu-socodka maraakiibta ee Gacanka Cadmeed iyo inay khatar geliyaan marin-biyoodka Bab al-Mandab, taas oo la barbar dhigayo xaaladda Marinka Hormuz.
Haddii xaaladdu sii xumaato, waxay saameyn toos ah ku yeelan kartaa Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika, maadaama Bab al-Mandab uu yahay marin muhiim u ah ganacsiga iyo isu-socodka maraakiibta u kala goosha Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.