Xarunta Boqor Salmaan oo dayactir iyo agab waxbarasho ku taageertay Xarunta Agoonta Cumar Bin Khaddaab ee Baydhabo,
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo gabagabeynayay taageero ay Xarunta Boqor Salmaan ku dayactirtay Xarunta Agoonta Cumar Bin Khaddaab ee magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu soo gabagabeeyay hawlaha dayactirka iyo dib-u-habaynta Xarunta Cumar Bin Khaddaab ee Daryeelka Agoonta, taas oo qayb ka ah mashruuca Dayactirka iyo Taageerada Xarumaha Daryeelka Agoonta iyo Awood-siinta Dhaqaale ee Qoysaskooda.
Mashruucan waxaa maalgelinaya Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimo, waxaana fulinaya Mu’assasada Mahaasin ee Horumarinta iyo Waxbarashada.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Baay ee Arrimaha Samafalka, Mudane Aadan Xasan Maxamed, iyo Mudane Maxamed Yaasiin Cabdu-Waaxid, oo ah Guddoomiye iyo Maamule ka tirsan Xarunta agoonta ah iyo masuuliyin kale.
Intii ay munaasabadda socotay, waxaa carruurta agoonta ah loo qaybiyay boorsooyin waxbarasho oo ay ku jiraan dhammaan agabka iyo qalabka waxbarashada, iyadoo sidoo kale ardayda la guddoonsiiyay dharka iskuulka, taas oo qayb ka ah taageerada waxbarashada iyo abuurista jawi ku habboon waxbarashada carruurta ka faa’iideysanaysa mashruuca.
Mashruucu wuxuu ujeedkiisu yahay wax ka qabashada caqabadaha nololeed iyo waxbarasho ee haysta carruurta agoonta ah iyo qoysaskooda, iyadoo la hagaajinayo deegaanka ay ku nool yihiin kuna wax bartaan, lana siinayo xarumo ammaan ah oo si wanaagsan loo diyaariyay, iyadoo dhinaca kale la xoojinayo awoodda dhaqaale ee qoysaskooda.
Mashruucu wuxuu ka kooban yahay dib-u-habaynta iyo qalabaynta afar xarumood oo daryeelka agoonta ah, kuwaas oo ku kala yaalla Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Dowlad-goboleedka Galmudug.iyo Gobolka Banaadir.
Hawlaha mashruuca waxaa ka mid ah dayactirka xarumaha iyo adeegyada aasaasiga ah, dib-u-habaynta jikada iyo qalabaynteeda, bixinta qalabka badbaadada iyo dab-demiska, diyaarinta cuntada maalinlaha ah, iyo qalabaynta qolalka jiifka oo lagu diyaariyo furaashyo iyo sariiro ku habboon.
Mashruucan waxaa ka faaideystay 905 carruur ah oo agoon ah, iyadoo sidoo kale 200 hooyo oo ah kuwa mas’uulka ka ah qoysaska agoonta ah laga taageerayo dhinaca dhaqaale.
Hooyooyinkan waxaa la siinayaa tababbarro ku saabsan xirfadaha aasaasiga ah ee tolidda dharka, waxaana lagu qalabeynayaa mashiinnada dharka lagu tolo iyo agabkooda, si ay u helaan xirfad iyo il dhaqaale oo ka caawisa daryeelka iyo masruufka qoysaskooda.
Mashruucani wuxuu qayb ka yahay dadaallada bani’aadannimo iyo horumarineed ee lagu taageerayo dadka iyo qoysaska aadka ugu baahan gargaarka ee Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta daryeelka, waxbarashada iyo badbaadada carruurta agoonta ah, iyo sidoo kale xoojinta isku-filnaanshaha dhaqaale ee qoysaskooda









