Bulshada Xaafadda Hillaac ee Magaalada Beledweyne oo Cabasho ka ah Senator Kobac iyo General Isaaq ku eedeeyay inay weerareen shacabka.
Dadka deggan xaafadda Hillaac ee Beledweyne ayaa si rasmi ah cabasho uga gudbiyay Senator Kobac iyo General Isaaq Cali Cabdulle, kaddib weerar xooggan oo lagu qaaday shacabka deegaanka.
Dhacdadan ayaa ka dhacday xarumaha diiwaangelinta ee ku yaalla Almazdar iyo Saldhigga Booliska Galbeed, kuwaas oo si gaar ah loogu asteeyay dadka deggan xaafadda Hillaac si ay uga fuliyaan habraacyada rasmiga ah ee dukumentiyada iyo diiwaangelinta.