Aabe Soomaaliyeed oo Sweden Lagu Hayo oo Wajahaya Tarxiil Muqdisho
Aabe Soomaaliyeed oo leh lix carruur ah ayaa codsanaya in dowladda Soomaaliya ay soo farageliso xaaladdiisa, xilli uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla Sweden, isla markaana la sheegay in loo qorsheeyay in 22-ka bishan loo tarxiilo Muqdisho.
Cabaas Bashiir Sheekh Xuseen ayaa sheegay in xaaskiisa iyo lixdiisa carruur ah ay ku nool yihiin Sweden, waxaana uu dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ka codsaday inay dib u eegaan xaaladdiisa.
Sida lagu sheegay wararka laga helayo kiiska Cabaas, dowladda Soomaaliya ayaa aqbashay in dib loogu soo celiyo dalka, arrintaas oo qayb ka noqon karta habka tarxiilkiisa.
Cabaas ayaa xaaladdiisa kaga hadlay gudaha xarunta lagu hayo ee Sweden. Waxaa halkaas ku booqday Sheekh Xuseen Faarax, oo ah sheekh si weyn looga yaqaan magaalada Stockholm, isla markaana u ololeeya xuquuqda dadka uu sheegay in lagu sameeyay cadaalad-darro.
Cabaas ayaa sheegay inuu hore uga shaqeyn jiray Sweden isla markaana uu canshuur ka bixin jiray dalka. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu hayo dukumiintiyo uu u arko inay taageerayaan kiiskiisa, balse uu walaac ka qabo in aan si ku filan loo tixgelin cabashooyinkiisa iyo caddeymaha uu gudbiyay.
Iyadoo waqtiga la sheegay in loo qorsheeyay tarxiilkiisa uu soo dhowaanayo, Cabaas ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbanaya inay si degdeg ah u eegto xaaladdiisa iyo in tallaabo dheeraad ah laga qaadi karo ka hor inta aan loo soo celin Muqdisho.