5.4 Milyan oo Soomaali ah oo la kulmi kara cunto yari
Nidaamka Isku-dhafka Kala-saarista Sugnaanta Cuntada ee IPC ayaa warbixin uu soo saaray waxa uu ku sheegay in 5.4 Milyan oo qof oo Soomaali ah ay wajihi doonnaan xaalad cunto yari ah marka la eego saadaasha xaaladda Super El-Nino.
Sidoo kale IPC ayaa xustay in 1.92 Milyan oo Carruur ah ay u baahan doonnaan Daaweyn nafaqo iyada oo dhaqaale yari jirta ay kasii dari karto xaaladaas oo hadda u baahan in loo guntado sidii looga hortagi lahaa.
Hay’ado kala duwan oo hoostaga Qaramada Midoobay, kuwo Dowli ah iyo madaxbannaan ayaa warbixinno ay sameeyeen waxa ay ku sheegeen in digniinta la bixinayo aan la dhayalsan Karin mar haddii Roobka, Daadadka iyo Fatahaaddu ay ku wajahan tahay dhul-baaxad weyn.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay billowday diyaar garow isugu jira wacyigelinta Dadka, Diyaarinta waxyaabaha loo baahan yahay marka xaaladdaas dhacdo iyo kahortagga inta lasii samayn karo hadda in aan u yaraysan.