Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Shariif Sheekh Axmed oo beeniyay eedeymaha Hay’adda NISA.

Shariif Sheekh Axmed oo beeniyay eedeymaha Hay’adda NISA.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa beeniyay eedeymaha ka yimid hay’adda NISA ee ku saabsan xubno ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida oo ka mid ahaa ilaalada madaxweynihii toddobaad ee dalka.

Shariif Axmed ayaa ku eedeeyay Villa Somalia inay afduubatay shaqaale ka tirsan xafiiskiisa, wuxuuna walaac ka muujiyay ciidamo hubeysan oo la geeyay meel u dhow hoygiisa.

Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Fiqi ayaa ku eedeeyay xubno ka tirsan mucaaradka inay isku dayayaan inay awood kula wareegaan talada dalka, isagoo sheegay inay ku guuldareysteen saddex weerar oo lagu qaaday goobo ku yaalla Muqdisho.