Golaha Mustaqbalka oo ka shiray martiqaadka Xasan Sheekh.
Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa caawa kulan ku yeeshay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyagoo ka hadlay martiqaadka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee shirka wada-hadalka doorashada.
Kulanka ayaa lagu dhageystay warbixinno iyo soo jeedinno ku saabsan sida Golaha uga jawaabi karo casuumaadda Madaxweynaha, iyadoo xubnaha qaar la sheegay inay u muuqdaan kuwo u janjeera aqbalidda gogosha wada-hadalka.
Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in xubnaha Golaha ay ku kala aragti duwan yihiin martiqaadka Madaxweyne Xasan Sheekh, hase yeeshee aysan weli si rasmi ah u gaarin go’aan kama dambeys ah.
Golaha ayaa horudhac ahaan isku raacay in jawaabta laga bixinayo casuumaadda ay noqoto mid mideysan, si aan loo muujin kala aragti duwanaansho gudaha ah.